Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda ka taagan Madaxtooyada magaalada Muqdisho.
Warrarka ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka Ra’isal Wasaare Maxamad Xuseen Rooble uu tegey xafiiskiisa, kadib markii ay ka hor istaageen ilaallada koofiya casta ee waardiyeysa Madaxtooyada Soomaaliya inuu halkaa tago.
Dadaal ay sameeyeen taliyayaasha Milatariga iyo Booliska ee Dawladda Federaalka ayaa guuleystay, waxayna qanciyeen ciidankii la dhigay xafiiskiisa Ra’isul Wasaaraha in la qaado.
Goor sii horeysayna Ra’isul Wasaare Rooble ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu soo faragaliyay shaqadiisa, isla maraakana uu ciidan soo dhoobay xafiiskiisa.
Xalayna waqti dambe Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu shaqada ka joojiyay Ra’isul Wasaaraha. Safiiradda reer galbeedka ee Muqdisho fadhiya ayaa iyana ka digaya in xiisadda taagan loo badalo gacan kahadal.




