Wefti ka Socda Dawladda Itoobiya Oo Booqasho ku Yimid Somaliland

Wefti ka socda dawladda faderaalka Itoobiya iyo dawlad deegaanka Somaalida dalkaas, oo ka qayb-geli doona carwo caafimaad oo magaalada Hargeysa beri ka furmi doonta, ayaa dalka soo gaadhay.

 

Sida uu   sheegay Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma) oo ah xidhiidhiyaha cudurrada faafa ee xudduudaha iyo fayo-dhawka guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

 

Weftigan ka socda dalka Itoobiya oo ka soo kicitimay magaalada Jig-jiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxana  magaalo xudeedka Togwajaale ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland.

 

Maaanta oo sabti ah ayaa lagu wadaa inuu caasimadda Hargeysa  ka furmo carwo ku saabsan arrimaha caafimaadka, taas oo ay qabanayso Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, oo ay ka soo qayb-geli doonaan bahda caafimaadka Somaliland iyo kuwa caalami ahiba.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker