Laba caruura, Hooyadood iyo Habaryartood Oo Ku dhintay dab qabsaday hoygii ay degenaayeen magaalada Wajaale.

Alle haw naxariistee laba caruura, Hooyadood iyo Habaryartood ayaa ku dhintay dab qabsaday hoygii ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Saylada ee magaalada Wajaale.
Ciidanka Dab-demiska degmada Wajaale oo si degdeg ah u gaadhay goobtaa ayaa soo badbaadiyay saddex caruura oo ku dhex jiray gudaha hore oo guriga oo dabku haystay, waxaana markiiba ciidamadu gaadhsiiyeen cisbitaalka Magaalada Gabiley, iyadoo saddexda caruur ah ee badbaaday ay qabeen dhaawacyo fudud.
Guriga dabku qabsaday ayaa ahaa guri Jiingad ah oo ka koobnaa laba qol, ilaa hadana waxaa sababta dabkan dhalisay gacanta ku haya ciidanka Baadhista Booliska ee degmada Wajaale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker