Donald Trump oo lagu xukumay in uu bixiyo $83.3m

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayay xeerbeegtida New York ku xukuntay in uu bixiyo 83.3 milyan oo doolar oo magdhow ah oo la siinayo wariye E Jean Carroll oo uu sumcad dil u geystay.

Ciqaabtu waxay ka kooban tahay $18.3 milyan oo magdhow ah iyo $65 milyan oo magdhow ah.

Xukunkan ayaa daba socda kiis madani ah oo hore oo Trump lagu helay inuu sumcad dil u geystay Carroll oo uu faraxumeeyey 1990-meeyadii.

Trump ayaa wacad ku maray in uu racfaan ka qaadan doono go’aankaas, waxana uu xukunka ku tilmaamay mid wax lagu qoslo ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker