Biden iyo Putin Oo Ka Wada Hadlay Xaalada Siyaasi Ee Dalka Ukraine
Madaxweynaha Maraykanka Jo Biden iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la ku wada haldaly muuqaal halkaas oo ay ku heshiiyey inay wadahadlaan ka dib toddobaadyo ay sare u sii kacday xiisadda Ukraine ee ay ku kala aragti duwan yihiin.
Wadahadalada labada hogaamiye ayaa waxa ay dhici doonaan iyada oo la adeegsanayo aalladda internet-ka.
Ruushka ayaa dhawaan kordhiyay joogitaanka ciidankooda ee ku dhow xadka Ukraine balse waxa uu beeniyay in uu isu diyaarinayo inuu weeraro.
War qoraal ah oo la sii daayay fiidnimadii Sabtida, Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, Jen Psaki, ayaa sheegtay in Mr Biden “uu hoosta ka xariiqi doono welwelka Mareykanka ee ku aaddan dhaq-dhaqaaqyada militari ee Ruushka uu ka wado xuduudka Ukraine”.




