AHN Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Booliiska Somalia oo Maanta Ku Geeriyooday Magaalada London

Alla ha u naxriistee waxaa caasimada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Maxamed Saxardiid (Cabdi Dhibow) oo muddooyinkanba ku sugnaa dalkaasi.

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo la hadlay warbaahinta dawlada ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid marxuum Cabdi Maxamed Saxardiid.

 

 

“Waxaan halkan tacsi ugu dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo Qoyska iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Sareeye Gaas Cabdi Maxamed Saxardiid taliye kuxigeenkii ciidanka Booliska Soomaaliyeed,

 

Oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska,waxaana alle uga baryaya in naxriistiisa Janno uu ka waraabiyo”. Ayuu yidhi Taliye Xijaar.

 

 

Warar la helayo ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay uu xanuunsanayay Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Cabdi Maxamed Saxardiid (Cabdi Dhibow), hayeeshee uu Maanta u dhintay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker