Beesha Caalamka oo War Farxad leh u sheegay Xisbiga Mucaaradka Somaliland

“Somaliland waxay amaan badan ku kasbatay doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada” - Xisbiga Waddani

Hargeysa (OWN)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay in doorashooyinkii isku sidkanaa ee Goleyaasha deegaanka iyo Wakiilladu sumcad iyo amaan u soo hoyeen Somaliland, sida ay kala kulmeen kulan beesha caalamka iyo xisbiyada Mucaaradka ku dhexmaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo maanta saxaafadda uga waramay natiijada kulamada dhexmaray madaxda xisbiyada mucaaradka iyo beesha caalamka, waxa uu sheegay inay beesha caalamku u sheegeen inay Somaliland magac ka heshay doorashadaas oo ahayd tii u horeysay nooceeda ee lagu qabto Somaliland.

Hadalka Xoghayaha Xisbiga Waddani ayaa muujinaya sida ay xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland ugu bislaadeen inay ka-garaabaan ama sheegaan wax-qabadka xukuumadda xisbiga Kulmiye ee talada haysa ee uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo marka laga yimaaddo in wada-leeyahay guulaha qaranka, haddana si gaar ah ugu tilmaaman inuu isagu suurto-galiyey qabashada doorashadan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker