Tahriibayaal gaadhaya 1,600 Qof Oo sanadkan ku dhintay badda Mediterranean-ka

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa sanadka oo kaliya ku qiyaasay in 1,600 oo qof ay ku dhinteen ama lagu waayay badda Mediterranean-ka, taas oo ah marinka ugu weyn ee ay Yurub ka galaan tahriibayaasha isku dayaya inay qaaraddan galaan, iyaga oo gacan ka helaya dadka wax tahriibiya.

Dhimashada ayaa ka badan tii sanadkii hore, laakiin sinnaba uma kala duwana.

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ee IOM ayaa ku qiyaasay in 23,000 oo qof ay dhinteen tan iyo 2014 iyaga oo isku dayaya in ay badda Mediterranean-ka uga gudbaan doomo tayo ahaan liita ama kuwa caagga ah, kuwaas oo dhimashada tahriiyayaasha gaarsiiyay in ka badan 5,000 sanadkii 2016.

Isla muddadaas toddobada sano ah, qiyaastii 166 qof ayaa ku dhintay kannaalka u dhexeeya Ingiriiska iyo Faranksiiska ee English Channel.

Toddobaadkii hore oo kaliya, 85 qof ayaa ku dhintay badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Liibiya laba shil oo kala duwan oo halkaas ka dhacay, sida uu sheegay Flavio di Giacomo, oo ah afhayeenka IOM ee Talyaaniga.

Waxa uu sheegay in sababta ay warbaahintu u hadal heyso shilka ka dhacay inta u dhexeysa UK iyo Faransiiska ee ay ku dhinteen tahriiyayaal gaaraya 30 ay tahay dhawaanshaha, iyo in shilalka noocaan ah ay markii hore ka dhici jireen meelo ka baxsan xuduudaha qaaradda Yurub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker