Guddida Nabadgelyada ee Gobolka Togdheer oo Mag u Kala Wareejiyey Labada Ardaa

Guddida nabadgalyada ee gobolka Togdheer ayaa mag u kala wareejiyay laba ardaa oo walaalo ah oo wada dega gobolkaasi.

Golaha magta lagu kala wareejinayay oo ahaa degmada Qoyta ayaa waxa ka qayb galay badhosaabka gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Ibraahin (Nafaqo), taliyaha ciidanka asluubta ee gobolka, taliyaha qaybta 12aad ee ciidanka qaranka, cuqaal, saalaadiin iyo waxgaradka bulshada.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ee magta kala qaadanayay ayaa goobta ka sheegay inay is cafiyeen isla markaan ay si fiican ugu soo dhammaatay xaajadii dhex taallay labadooda dhinac, waxaana ay uga mahadceliyeen maamulka gobolka Togdheer, oo ay sheegeen in door weyn oo dawladnimo ay ka qaateen sidii ay u soo dhammaan lahayd xurguftaasi soo kala dhex gashay labada ardaa ee walaalaha ah ee wada deegaankaasi.

Badhosaabka gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Ibraahin (Nafaqo), taliyaha cidaanka asluubta ee gobolka Togdheer, iyo taliyaha qaybta 12aad ee ciidanka qaranka, oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa ugu duceeyay labada dhinac ee magta kala qaatay inuu boggooda burcad isku mariyo, isla markaana ka dhigo ardaayo is jecel.

Waxaana ay intaas ku dareen in diinteenu ay dhiirgelisay in xurgufaha bani aadanka dhex mara lagu dhammeeyo sulux iyo heshiis, isla markaana la isa saamaxo, markay dhib dhacdo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker