Taliyihiin NISA ee gobolka Gedo oo qarax lagu dilay

Taliyihii Nabadsugidda iyo Sirdoonka dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo Cabdirahmaan Cabdullahi (Bakaal Kooke) ayaa lagu dilay qarax xalay ka dhacay degmada Luuq, isagoo ku sii jeeday degmada Doolow, waxaana masuuliyadda qaraxan sheegatay maleeshiyad Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedka Jubaland ayaa maalihii ugu dambeeyay ku jirtay diyaargaroow dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo uu qeyb ka ahaa taliye Bakaal Kooke.

Wasiirka Amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo VOA la hadlay ayaa sheegay inay sameynayaan baaritaan madax-bannaan oo la xiriira dilka taliyaha NISA, isaga oo ka tacsiyadeeyay geeridiisa.

Dhinaca kalena, qoraal kusoo baxay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in taliyaha hay’adda NISA Mahad Salaad, uu amray ‘baaritaan dhab ah’ oo ku saabsan kiiska taliye Bakaal Kooke.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker