Dowladda Qatar Oo 68 Gaadiidka Gaashaaman Ee Dagaalka Ugu Deeqday Dowladda Soomaaliya (Sawirro).

Muqdisho-(OWN)-Dowladda Qatar ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday 68 gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, kadib munaasabad ka dhacday dekada magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya, taliyaha ciidamada xooga dalka iyo saraakiil amaan oo dowladda Qatar ka socotay, kuwaasi oo dhawaan soo gaadhay magaalada Muqdisho.

Munaasad kooban oo ka dhacday dekada magaalada Muqdisho ayaa masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo dowladda Qatar ay ku kala wareegeen gaadiidka gaashaaman.

Wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya oo gaadiidkaan ka gudoomay dowladda Qatar ayaa sheegay inay kaga mahadcelinayaan dowladda QatarĀ  taageerada iyo garab istaaga ciidamada dowlada.

Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in gadiidkaan la gaadhsiin doono ciidamada xooga dalka meel kasta oo ay joogaan, isaga oo sheegay inay ka mahadcelinayaan taageerada dowladda Qatar.

Saraakiil ka socotay dowladda Qatar ayaa dhankooda sheegay inay kordhin doonaan taageerada ay siinayaan ciidamada dowlada Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker