Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan oo La Toogtay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa loola cararay Isbtaal, kadib markii lagu toogtay munaasabad ka dhacday magaalada Nara oo ku taalla bariga wadankaasi.

Mr Abe ayaa la toogtay labo jeer, iyadoo xabada labaad ay kaga dhacday dhabarka, taasoo keentay inuu dhulka ku dhaco.

Wararka ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay la xiray. Barasaabkii hore ee Tokyo Yoichi Masuzoe ayaa bartiisa twitterka ku sheegay in 67-jirka Mr Abe uu ku jiro xaalad wadne qabad ah.

Erayga waxaa badanaa la adeegsadaa ka hor inta aan geeri si rasmi ah loo xaqiijin Japan.

Mr Shinzo Abe waxaa uu ahaa Ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee taariikhda Japan, isaga oo xilka hayay laga soo bilaabo 2012 ilaa 2020.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker