Warbixinta Maalinlaha ah ee Cudurka COVID-19 Ee Somaliland Tirada dadka u dhimanaya oo korodhay April

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Somaliland ayaa sheegay inay kordheen tirada dadka uu soo ridanayo iyo kuwa u dhintay xanuunka COVID-19

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay 11-kii maalmood ee ugu horreeyey bishan April la diiwan galiyey dhimashada 64 Qof oo u dhintay cudurka COVID-19, waxaana bulshada loogu baaqay inay guryahooda ku tukadan sallaadda Taraawiixda bisha Ramadaan.

Dhinaca kale Warbixintii maalinlaha ahayd ee  shalay Wasaaradda caafimaadka  Somaliland   ay   shaacisay 55 qof oo hor leh oo uu ku dhacay cudurka Covid-19 kadib markii saacadihii ugu dambeeyay cudurka laga baadhay 281 qof, halka tirada dhimashada guud ay gaadhayso 232 qof.

Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjaddii labaad ah.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in xooga saareyso wacyigelinta iyo qaababka kale ee looga hortagayo faafidda cudurka haddii loo baahdana ay soo rogi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker