USC ayaa riday dawladii Somaliyeed,SNM-na waxay ka mid noqotay dadkii la xoreeyay.
Sidii Jabhadii Ssdf ayay SNM iska soo xerootay markii Jabhadii xooga waynayd ee USC,badhtanka u fadhiisatay Caasimadii Somaliyeed ee Muqdisho,Jaale Siyaadna orod ayuu kaga baxay magaalada Muqdisho.SPM dagaalkaasi qayb ayay ka ahayd.Jabhadii USC intii kuma sii joogine,waxay socotay ilaa Kismaayo oo Jaale(Aun) kaga daba tageen,aakhirkkina wadankaba way ka saareen.Arinku maaha may guulaysteen mise way qasaareen?
taasi waa su’aal u baahan in lays waydiiyo,laakiin waxaan ka hadlaynaa,yaa ujeedkii uu u dagaalamayay gaadhay? waxaa la hubaa in Usc gaadhay ujeedkeedii oo ilaaa maanta ay gacanta ku hayaan kurisigii Madaxwayne nimo ee Somaliyeed.Haa,way ka maqanyihiin haatan hogaanka laakiin aqoonsigii dawladnimo,caasimadiiba iyaga ayaa haysta.

wadanku sida uu u dhanyahay wuxuu ku dhacay bilaa dawlad,Somaliland waxay ka mid ahayd dhulkaasi Somaliyeed ee bilaa dawlada noqday.Dhulkaasi waxaa ka mid ah;puntland,Jubaland,K’Galbeed,Galmudug, Hirshabeele iyo Gobolka Banaadir. Intaaba waxaa xoreeyay Usc.Jabhadaha kale ee Somaliyeed uma dhawaanin Caasimada oo degaan umay ahayn,xoog ay ku gaadhaana may lahayn.
Hadaba.Jabhadii Snm ee iyadii la xoreeyay,kusii talax tagi maayo,laakiin waxaan leehay;adeer Ssdf-ba way iska aamuseene,naga aamusa oo beenta ka daaya caruurta.Hadii dagaaladii sokeeyey ee Somaliya ragaadiyay laga dhigo kuwo lagu xoroobay,Usc ayaa wax xoraysay.Muuse iyo Ina Kaahina waxay ku jireen dadkii la xoreeyay.
Axmed Aadan Xuseeen.Luton Uk