Akhristow ma kula wadaagaa waxaad ka faa’iidi kartid buugga Xirsi?

Buugga xirsi Cali X Xassan ee hadal-haynta badan. Nasiib-darro, waxay u muuqataa in, badi dadkii dhankii siyaasadda iska taageen. Taas oo dhab ahaantii aan baahi badan loo qabin.

Dhinaca kale, in yar oo aan ka mid ahay waxaan isweydiinnay; maxaa laga faa’iidi karaa ama laga korodhsan karaa buuggan isaga ah? Xaqiiqdiina qoraaga buuggu wuxuu sheegay ama qoraalkuba u dhiganyey in uu ugu talo-galay in laga faa’iideysto, siiba dhalin yarada oo uu si gaara buugga ugu hibeeyey.

Haddaba buuggan oo uu qoray shakhsi magac, milgo  iyo mustawe sare bulshadeenna dhexdeeda ka gaadhay, meel hoose na halganka nolosha ka bilaabay. Sidaas aawadeedna aan la dafirin karin kartidiisa haddii la jecelyey iyo haddii la naceb yahayba. Wuxuu leeyahay buuggiisu mudnaan gaara  waana sababta hadal-hayntiisu u badatay.

Inkastoo aan si joogta ah u akhriyo buugaagta dhiiri-gelinta iyo aqoon korodhsiga ee afka-qalaad loo yaqaan “personal development books” maktabaddaydana u badanyiin, haddana wey kuu kala duwanyihiin buug uu qoray qof  kula mida oo meel aad ka wada timaadeen, isku duruufana tihiin iyo mid aadan aqoon u lahayn. Sidaas aawadeed akhrinta buuggani waxay i gelisay xamaasad, hammuun iyo dardar xooggan oo hor leh.

Sideedabana, akhrinta buugaagta noocan oo kale waa mid muhiim ah oo qeyb-libaax ka qaadata dhisidda qofka iyo hanashada himilada uu ruuxu hiigsanayo. Sababtoo ah waxaad si hawl yar ka heli kartaa xog iyo waayo-aragnimo baaxad leh oo ka soo duxday maskaxo waaweyn oo horumar la yaqaano ka midho dhaliyey. Buuggii aad akhridaba waxaad ugu tagi kartaa aqoon kuu fududaysa gaadhida waxaad beegsanayso. Waa sababta dadka guuleystayaasha ah dhammaantood u yihiin dad si joogta ah wax u akhriya.

Formal education will make you a living; self-education will make you a fortune – Jim Rohn (Tacliinta iskuullada loo tago waa lagu noolaadaa uun, ta aad isbartidna waa lagu hodantimaa)

Waxaan jeclaystay si aad idinna uga faa’iideysataan, inaan idinla wadaago qodobo aad u kooban oo ka mida tallaabooyinka qoraaga u horseeday hanashada himilooyinkiisa  sida laga dhadhansan karo buuggiisa. Qodobadaas oo ay ka mid yihiin:

1: In qofku qiimeeyo meeshuu joogo, meeshuu u socdo iyo waxyaalaha carqaladaha ku ah ee ka hortaagan guusha. Tusaale, sida balwadda qaadka oo ah dabar aadan si qumman hore ugu tallaabsan karin, dadkeennu na ku habsaamay. (Wuxuu ku sheegayaa buugga siduu isaga daayey qaadka iyo sigaarka)
2: In qofka looga baahan yahay rabitaan dhaba (burning desire)
3: Dedaal joogta ah iyo halgan. Aan ku darsadee,  waxaan xasuustay heestii Dacar  qaadi jiray ee oran jirtay; Nin duunyo buuran doonoon horteed u duubayoobin
Intuu daro fandhaalka dibnaa ka muudsan maayee!
4: Sidoo kale, in aad si togan u fekertid  oo dhanka wanaagsan iska taagtid amuuraha kula soo gudboonaada.
5: Wakhtiga oo aad si wacan u maareysid iyo hawlahaaga oo aad qorshaysid.
5: Shaqo kasta oo aad qabatid inaad sida ugu fiican u qabatid, hal-abuurna la timaadid.
7: Iyo Fursadaha ku soo mara oo aad sida ugu habboon uga faa’iideysatid.

Ugu danbeyntii qoraagu wuxuu inagula dardaarmayaa himilo sarraysa, niyad wanaagsan, sabir iyo dedaal joogta ah.

Qodobadan oo faah faahsan iyo qaar kaloo badana waxaad  ugu tagi kartaa buugga.

Buuggan la magac baxay “Miyi ilaa Madaxtooyada”  waa mid, aadan kaga dhargeyn PDF oo u baahan inaad iibsato si aad u calaamadsatid meelaha ku cajab-geliya oo aad u tixraacdid markaad u baahato.

 

Nooli kulantee!

Cabdirisaaq Maxamuud Baynax

Abdirasaq@live.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker