Madaxa WHO oo kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega oo war kasoo saaray xaaladda Tigray

Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegay in xaaladda murugsan ay ka taagan tahay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya kadib dagaallada sokeeye ee muddada sanadka ah ka socda halkaas.

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo isaga qudhiisu kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega ayaa weriyeyaasha u sheegay xilli uu ku sugnaa Geneva in gobolka la go’doomiyay.

“Wax dawo dadka ma heystaan-dadka wey dhimanayaan-dadka macluul ayaa lasoo deristay”

Wuxuu sidoo kale sheegay in adeeggii isgaarsiinta gobolka uu hawada ka maqan yahay isla markaana shacabka aanay  heysan wax lacag ah iyadoo dadka ay koronto la’aan yihiin.

“Markaa waad garan kartaa saameynta ay dhibaatadan ku yeelan karto caafimaadka shacabka”

Dowladda Itoobiya waxay beenisay in xaalad go’doomin ah ay gelisay gobolka oo ay hor istaagtay gargaarkii la gaarsiinayay shacabka Tigray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker