Ruushka Oo Hub Cusub U Diraya Dalka Turkiga Heshiisyo Cusubna Saxeexaya
Ruushka ayaa sheegay in ay u badan tahay in heshiis cusub oo dhanka difaaca Gantaalaha ah iyo Agabyo kale oo milatariga uu U daabulayo dalka Turkiga oo saaxiib dhow ay Yihiin.
Wakaalada Wararka ee Interfax oo soo Xiganeysa Ra’isul wasaare ku xigeenka Ruushka Mr Yury Borisov, ayaa sheegtay in xukuumada Ankara iyo Moscow ay u dhow yihiin inay heshiis cusub ay qalinka ku duugaan.
Interfax ayaa macluumaad dheeri ah ka bixin heshiiska milatari ee labada dhinac.
Maamulada Ankara iyo Moscow ayaa heshiis gaaray dabayaaqadii sanadkii 2017-dii kaasi oo la xiriiray kala iibsiga gantaalaha difaaca ee loo yaqaan S-400 oo ruushka soo saaray waxaana qeybtii ugu horeysay ee gantaalahan ay gaareen Turkiga bishii April ee sanadkaan iyadoo la filayo in ay sii socot daabulida gantaalahan ilaa sanadka soo aadan ee 2020-ka.
Mareykanka ayaa horay u dhaliilay heshiiskan waxaana madaxweyne Donald Trump xayiraad dhaqaale uu ugu hanjabay dalka Turkiga.
Balse Markaad aragto siday wax u socdaan Hanjabaadaha Maraykanka ayaa u muuqda Halbacaad lagu lisay waayo waxaa marag madoon ah in Hogaamiyaha Ruushku uu ka dareersaday dhamaan Xulufadii uu lahaa maraykanku




