Daawo: Iiraan Oo Xaalad Cusub Gashay, Banaan Baxyo Xukuumada Lagaga Soo Horjeedo Oo Ruxay Dalkaasi,
Boqollaal debadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay Waddooyinka Caasimadda Iran ee Tehran, iyagoo muujinaya cadho ay u qabaan Dowladda, uguna yeedhaya beenaalayaal Dafiray inay soo rideen diyaaradii rakaab siday oo ay saarnaayeen Dad Rayid ah isla markaana laga lahaa dalka Ukraine.
Debed-baxyaasha oo ay Horkacayaan Ardayday ayaa isugu soo baxay bannaanka labo jaamacadood, jaamacadaha Sharif iyo Amir Kabir, sida ay wararku sheegayaan, iyadoo markii hore ay ujeeddadu ahayd inay xushmad u muujiyaan dadkii ku dhintay Diyaaradda. Dibadbaxyada ayaase is beddelay xalay, iyadoo la sheegay in booliiskuna uu Adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa.
Ilaa 1,000 qof ayaa adeegsanayay hal ku dhigyo ka dhan ah Hoggaamiyeyaasha Iiraan iyagoo sidoo kale jeexjeexay sawirrada Soleimani.
Ardayda ayaa ku baaqay in caddaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay soo rididda diyaaradda iyo dadkii qariyayba.
Hal ku dhigyada waxaa ka mid ahaa “Madaxda sare ha is casilaan”, iyagoo ula jeeda Hoggaamiyaha Sare ee dalkaas Ali Khamenei, iyo “dhimasho ha u sugnaato beenaalayaasha”. ayay Ku Tiraabeen.
Dadka isticmaala baraha bulshada ee dalkaas ayaa sidoo kale cadho u muujiyay dowladda.
Mid ka mid ah dadkaas ayaa Twitter-ka ku soo qoray: “Weligey ma cafin doono dowladda dalkeyga, dadka meesha joogay ee haddana beenta sheegaya.”
Dibadbaxyada ayaase ah kuwo aan sidaa u sii weyneyn, marka loo eego dibadbaxyadii weynaa ee ka dhacay Iiraan kuwaasoo looga soo horjeeday dilkii Soleimani.
HALKAN HOOSE KA DAAWO BANAANBAX BAAHSAN EE KA BILAABMAY DALKAASI