Nin Kufsi Iyo Dil Isugu Daray Gabadh Yar Oo 8 jir Ah, kadibna Lagu Qabtay Gobolka Shabeellaha Hoose

Nin fal isugu jiray kufsi iyo dil Gabar yar oo kamid aheyd dadka deegaanka ugu geystay deegaanka Calamada ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Qaar kamid ah Ehelada gabadha oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in gabadha la kufsaday, kadibna Ninkii falkaas ka dambeeyay uu gabadha oo 8 sanno jir aheyd dal-dalay, sidaasina ay ku geeriyootay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saacadihii lasoo dhaafay sameeyay howlgal culus oo lagu baadi goobayay Ninkii kufsiga iyo dilka geystay, iyagoona gacanta kusoo dhigay.

Eedeysanaha ayaa waxaa la keenay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, isla markaana waxaa lagu xiray Xarunta Hay’adda dembi baarista ah ee CID-da, iyadoona la tilmaamay in Ninkaas sharciga la marsiin doono.

Dadka deegaanka Calamada ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa aad u hadal haaya dhacdada aadka u foosha xun ee halkaas ka dhacday laguna kufsaday Gabar oo 8 sanno jir aheyd, waxaana horey deegaano ka tirsan dalka uga dhacay falkaan oo kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker