Madaxweynaha Somaliland oo Golaha Guurtida ka Dhiraan-dhirinaya Muddo-dhimis

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Golaha Guurtida Ka Dhiraan-dhirinaya Muddo-dhimis Iyo 9 maalmood Oo Uu Haysto In Digreeto Ku Soo Saaro Maalinta Doorashadu Dhacayso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu u gudbiyo Golaha Guurtida Somaliland codsi la xidhiidha in ay is waafajiyaan muddo kordhintii 2 sanno ahayd ee ay sameeyeen Bishii Nov. 2019-kii iyo wakhtiga ay cayimeen Komishanka doorashooyinka ee 31.05.2021-ka in ay qabsoomaan doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanku.

Madaxweynaha, ayaa codsigiisa waxa uu Golaha Guurtida kaga codsanayaa in ay dib ugu noqdaan muddo kordhintii hore ee ay sameeyeen, si ay muddo dhimis ugu sameeyaan, isla markaana doorasho u dhacdo sannadkan.

Madaxweyne Muuse Biixi, oo lix cisho ka hor ay Komishanku u soo gudbiyeen wakhtiga ay ku qaban karaan doorashada isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka, ayaa laga sugayaa inuu isaguna dhinaciisa ku soo saaro digreeto rasmi ah, muddo 15 maalmood guddahood ah, si uu dhigayo Xeerka Guud ee Doorashooyinkiisa, gaar ahaana qodobkiisa 6-aad oo ka hadlaya qabashada doorashooyinka, muddadaas oo lix maalmood tegeen.

Golaha Guurtida oo iyaga dhinacooda laga sugayo in ay sameeyaan muddo dhimis, si ĺa isu waafajiyo qabashada doorashada iyo wakhtigio ay Kordhiyeen, ayaa waxa ay ku maqan yihiin fasax bil iyo badh ah, inkasta oo muddo labaataneeyo ahi u hadhsan yihiin.

Madaxweynaha iyo Xisbiyada ayaa ugu baaqay Golaha Guurtida in ay is waafajiyaan wakhtiga la cayimay iyo muddo kordhintii ay sameeyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker