Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Loogu Soo Dhoweeyey Magaalo Xudduudeedka Tog-Wajaale.

Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, Ayaa Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Magaalo Xudduudeedka Tog-Wajaale.
Duqa Magaaladda Tog-Wajaale Ee Dhanka Dawlad Deegaanka Soomaalida ETHIOPIA Mukhtaar Cabdi Iyo Masuuliyiin kale, Ayaa Si Weyn Ugu Soo Dhoweeyey Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Iyo Xubnaha Weftiga ah Ee la Socday.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, Ayaa dhankiisa Uga Mahadceliyey Soo Dhoweynta diiran Ee Ay Xukuumadda Soomaaliyeed Ee Dalka ETHIOPIA Ku Qaabishay, Isaga Iyo Xubnaha Weftigiisa Ee La Socday.
Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Iyo Xubnaha Weftiga ah Ee la Socdaa, Ayaa Safar Shaqo Ugu Baxay Galinkii Dambe Ee Maanta Xaruunta Ismaamulka Soomaalida Ee Dalka ETHIOPIA Ee Jig-jiga. Ayaa Bari ka Qaybgalaya Xafladda Caleemo Saarka Madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar Cagjar oo dhowaan Mar Labaad Dib Loogu Doortay Hogaaminta Dawlad Deegaanka Soomaalida Ee Dalka ETHIOPIA.
Booqashadda Weftiga Afhayeenka Xisbiga WADDANI Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun, Ayaa la filayaa Inay Qaadato Laba Cisho. Ka sakow Ka Qaybgalka Xafladda Caleemo Saarka Madaxweyne Mustafa Cag-jar, Waxay kulanno Kala Duwan la Yeelan Doonaan Baarlamaanka Cusub Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Ee Dalka ETHIOPIA Iyo Masuuliyiin Sare Xukuumadda Madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar).
Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, Ayaa Geesta kale Qoraal kooban Oo Uu Hadda Soo Dhigay Bartiisa Facebook, Kaganna Hadlay Safarka Ay ETHIOPIA Ku tageen Isaga Iyo Xubnaha La Socdaaba, Ayaa Ku Yidhi Siddan:- Waxa aan soo gaadhay galabta Caasimadda Dawladda Deeganka Somalida oo aan berri kaga qeyb galayo Munaasibadda caleemo-saarka Madaxweyne Mustafe Cagjar marti-qaad rasmi ah oo aan ka helay. Magaaladda muddaddi aan joogay waxa aan ku arkay Nabadgalyo weyn, Shacab qalbi fiican oo gob ah, Nimadaam dawladdeed oo adeegyo bulsho badan qabtay! Runti Isbedel iyo horumar weyn ayaa ka socda Caasimadda Alle ha dhowro Dawladda iyo Dadkeedaba Hambalyo Madaxweyne Mustafe”.

May be an image of 14 people and people standing

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker