Muhaajiriinta ku sugan Liibiya oo wajahaya xaalad nololeed oo adag

Boqolaal muhaajiriin ah oo ku jira xabsiga Ain Zara ee dalka Liibiya ayaa ku nool xaalado adag, kaddib markii dad kor u dhaafaya 1,000 qof oo ay carruur badani ku jirto lagu xidhay halkaas.

Ilaalada xabsiga Ain Zara iyo masuuliyiinta Libya ayaa sheegaya inay muhaajiriinta siiyaan cunto, hoy iyo daryeel caafimaad, laakiin muhaajiriinta ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah aanay haysan daryeel, welina ay aad u baqayaan.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, mas’uuliyiinta magaalada Tripoli ayaa xidhay kumanaan muhaajiriin ah, waxaana howlgalkan ka dhashay dhimashada dhowr tahriibeyaal ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker