Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynaha kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya aanay wax dan ah ugu jirin inuu xumaado xidhiidhka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Hadalka dowlada ayaa ah mid looga jawaabayo hadal kasoo yeedhay Madaxweynaha Kenya Uhuru kenyatta oo ahaa in xukunka Maxkamada ICJ uu sii xumeynayo xidhiidhka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Bilaal Maxamed Cusmaan, ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeynayso sidii xidhiidhka labada dal uu u noqon lahaa mid wanaagsan, balse haddii Kenya ay diido arintaas ay Soomaaliya u taagan tahay difaaca baddeeda.

“Waxaan aaminsanahay in shacabka iyo dowladda Kenya ay ogyihiin in aysan wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka labada dal, waxaan ka shaqeyn doonaa dhankeenna inuu wanaagsanaado xiriirka labada dal, laakin haddii ay diidaan waxyaabaha ay nabaddu ku hagaageyso, dowladda Soomaaliya waxay ay u taagan tahay oo mas’uuliyadeedu tahay difaaca dadkeeda, dalkeeda, diinteeda iyo biyaheeda,” ayuu yidhi Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Bilaal Maxamed Cusmaan.

Kenya ayaa si xooggan uga carootay xukunkii Maxkamada ICJ soo saartay ee Somalia lagu siiyey inta badan dhulkuu badeedkii ay sheeganeysay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker