” Dr Gaboose waa dhakhtar wanaagsan laakiin maaha xeer yaqaan wanaagsan
Dhakhtarnimadu waa aqoon la barto oo qofka baranayaa geliyo waqti iyo dadaal badan, sidaas oo kale xeeryaqaanimaduna waa xirfad kale oo u baahan sidda dhakhtarnimadda in loo barto.
Sidaa markey tahey Dr Gaboose wuxuu bartay caafimaadka waana dhakhtar wanaagsan laakiin xeerarka muu baranin.
Sidaa maxaan u leeyahey, xeerarku waxay u qaybsamaan labba substantive law ( xeerkii wax laggu xukumayay) iyo procedural oo ah xeerkii habka ee loo raacayay fulinta xeerka.
Hadaba Dr Gaboose waxaa ka qaldan wada shaqaynta xeer 14 iyo xeer 91 oo ah Xeerkii habka ee laggu fulinyayay xeer 14 .
Sababtu waa maxay ? Xeer 14/11 wuxuu dhigayay doirashooyinka oo kala ah madaxtooyadda, wakiiladda iyo deegaanka.
Xeerka doorashooyinka ee xeer Lamar 91 isna wuxuu dhigayaa habka doorashadda 3 doorasho.
Hadaba xukunkii maxkamadda sarre ayaa ku kordhiyay xeer 14 in doorashadda ururadda so toosa loo qaban karo , taasoo ah doorasho 4aad oo soo korodhay.
Waxa kale oo xukunkaas maxkamadda sarre ku jirta in goleyaashu dhamaystiraan wixii qabyo an ee jira .
Sidaa darteed waxa dhiman in xeerka doorashooyinka ee xeer lambar 91 laggu daro habkii doorashadaas ururadu ay mari lahayd
Taasoo ah qeexitaanka xidhiidhka ururadda, xisbiyadda, komishanka doorashooyinka iyo waqtiga laggu jiro doorashadda ururadda sida loo maamulayo doorashadaas loona wada shaqaynayo iyadoo laggu cadaynayo cid walba doorkeeda iyo kaalinteedda.
Wax ka badalka xeer lambar 91 wuxuu marayaa jaranjatadda xeerarku maraan caadi ahaan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa haboon in siyaasiyiinta aan xeer aqoonka aan ahayni ay la tashadaan xeer aqoon marka ay ka hadlayaan arrimaha xeerarka quseeya, maxaa wacay Dr Gaboose waa dhakhtar wanaagsan laakiin maaha xeer yaqaan wanaagsan”
W/Q: Xildhibaan Guruuje.




