Sheekh Shariif Oo Sheegay inaanuu Ogeyn Is-afgaradkii Lala Galay Kenya iyo Cumar C/rashiid Oo U Jawaabay

Iyadoo uu shalay 12- Oktoobar uu soo baxay go’aankii Dacwadda ee Xuduud Badeedka ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa mar kale waxaa la kowsaday dood ku saabsan heshiiskii 2009-ka ee dowladii KMG ah la saxiixatay Kenya oo muran badan kasoo taagnaa.

Xalaf xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo musharixiinta Mucaaradka ugu dabaaldegeen wax ay ku sheegeen guusha laga gaaray Dacwadii badda ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa madaxweynihii dowladda KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed oo mar kale ku celiyay,m kubna adkeystay inuusan waxba ka ogeyn Heshiiskii is-afgaradka (MOU) oo uu saxiixay wasiirkii Qorsheynta xilligaasi C/raxmaan C/shakuur, isla markaan uu la ogaa Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in wasiirkii iskaashiga caalamiga ah ee xiligaas Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu u sheegay qorshaha safarkiisa subixii uu u safrayay Nairobi “Markii aan Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid weydiiyayna sabab la iigu sheegi waayay, wuxuu igu yiri waxaan u malaynayay in aad ogeyd” ayuu yidhi Sheekh Shariif oo iska fogeeyay heshiiskii is-afgaradka.

Waxaa arrintan jawaab ka bixiyey Ra’iisal Wasaare hore Cumar Cabdirashiid oo sheegay inuu Sheekh Shariif qeyb ka ahaa nidaamka go’aan gaarista heshiiskii Kenya lala saxiixday: “Madaxweyne Shariif qayb ayuu ka ahaa go’aankii is-afgarad ee lala galay Kenya oo farqiga sameeyay.. Halista inkiraad arrintan waxay keeni kartaa inuu Farmaajo inkiro Kiiskii Qalbi-dhagax, iwm…”.

 

Wasiirklii saxiixay is-afgaradkaasi C/raxmaan C/shakuur oo isna hadlay ayaa ku doodaya inuu heshiiskaasi asal u ahaa dacwadda badda, isgoo faahfaahin ka bixiyey sida uu ku yimid heshiiska ay Kenya la galeen 2009-ka.

Wuxuu xusay in wakiilkii Qaramada Midoobay Walad Cabdalla iyo Dowladda Norway inay dowladda u yimaadeen, una sheegeen in haddii uu dhacayo waqtigii la xarayn lahaa dokumendiyada lahaanshiyaha dhul badeedka ee Qaramada Midoobay, taasna ay shardi u ahayd in ay is afgarad la gaaraan dowladda Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker