Natiijada doorashadii Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo la shaaciyay

Guddiga doorashooyinka qaranka Itoobiya ayaa maanta soo saaray intii u badnayd natiijada doorashadii bishii hore ka dhacday Degaanka Soomaalida.

Guddiga wuxuu sheegay in shacab tiradoodu dhan tahay 5,171,317 ay is diiwaan galiyeen oo ay qaateen kaararka cod bixinta.

Guddiga wuxuu xusay in 23 kursi oo Baarlamaanka Federaalka (Gollaha Wakiilada Shacabka ) iyo 273 kursi oo Golaha xildhibaanada Degaanka loogu loolamayay doorashada 6-aad ee bishii hore ka dhacday Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Guddiga wuxuu sidoo kale sheegay in 23-dii kursi ee Golaha Wakiilada Shacabka ee Federaalka uu Xisbiga Barwaaqo ku wada guulaystay halka 263 kursi oo ka mid ah 273-dii kursi ee Golaha Xildhibaanada Degaanka ay 262 ay ku guulaysteen Xisbiga Barwaaqo halka hal kursina uu helay musharax madaxbanaan.

Guddiga ayaa sheegay in natiijada 10 goob doorasho oo ay ka soo baxayeen 10 xildhibaan oo heer deegaan ah oo kala ah 7 magaalada Jigjiga iyo 3 Degmada Maya Muluqa cabasho ka timid awgeed ay dib ka shaacin doonaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker