Maayarka Hargeysa Oo Booqday Qoys xalay laba caruur ah kaga dhinteen gurigoodii oo uu dab qabsaday.
Maayarka caasimadda iyo maayar ku xigeenka, Xoghayaha dawladda Hoose,Taliyaha ciidanka dabdamiska ayaa kormeer iyo Tacsi ugu Tagay Qoys xalay laba caruur ah kaga dhinteen gurigoodii oo uu dab qabsaday.
“Waxaanu Reer Hargaysa ka codsanaynaa in ciidanka Dabdamkiska wadada loo baneeyo marka ay shaqo wadaan” maayar Abdikariim Ahmed mooge.