Shirkadda Duulimaadyada Ee Qatar Airways Oo Bilaabeysa Duulimaad Toos Ah Oo U Dhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho Iyo Doha.

Muqdisho-(OWN)-Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa marti-galinaya duulimaadyo toos ah oo heer caalami ah tan iyo wixii ka danbeeyay bur-burkii dowladda dhexe Soomaaliya.

Shirkadda Qatar Airways ayaa bilaabeysa duulimaad toos ah bisha Jun ee sanadka 2019ka waxaana uu duulimaadkan shirkadda Qatar Airways noqonayaa mid ka mid ah dulimaadyada heerka caalami ee uu marti-galinayo garoonka Aadan Cadde Airport.

Shirkadda Ethiopian Airline ayaa dhawaan bilaawday dulimaad rasmi ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Addis ah, hasse ahaatee dowladda waxaa uu dib u dhac ku yimid duulimaad ay balanqaaday shirkadda Kenya Airways in ay ka bilaabeyso Muqdisho iyo Nairobi.

Shirkadda diyaaradaha Turkish Airline ayaa si joogta ah uga soo degta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana ay ka mid tahay diyaaradihii ugu horeeyay ee heerka caalami ah si rasmi ah uga howlgala garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Dib u howlgalinta dulimaadka shirkadda diyaaradaha Qatar Airways  ayaa wax weyn ka tari doonta isku socdka labada magaalo ee Muqdisho iyo Doha iyo sare u qaadista xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac, iyadoo la og-yahay in dalka Qatar ay ku nool yihiin Jaaliyad ballaadhan oo Soomaalyeed oo intooda badan halkaa u jooga howlo ganacsi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker