Xukuumadda Oo Markii Ugu Horreysay Sheegtay in Miisaaniyadda Sanadkan Aanay Ku Jirin $ 5 Milyan Oo Kirada Dekedda Ah Oo Ay Xukuumaddii Hore Ee Siilaanyo Jeebka Ku Ridatay
Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay sheegtay in aan Imaaraadka laga kiraynin saldhigga milateri ee ay dawladaasi ka samaysanayso magaaladda Berbera.
Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo ka qaybgalay dood habeen hore lagu qabtay magaaladda Hargeysa, taasi oo suβaalo la xidhiidha miisaaniyadda wasiirka lagu weydiinayay, ayaa caddeeyay in saldhigga milateri ee dawladda Imaaraadka carabta laga siiyay magaaladda Berbera aanu kiro ahayn, balse ay weydaarsadeen dhismaha jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale iyo sidoo kale dhismaha hal madaar oo cusub. βSaldhigga isaga kama qaadano wax kiro ah, kumana jiro kirooyinka. Heshiiska saldhigga milateri aynu la galnay Imaaraadka, waxa weeyi inay noo dhisaan waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale iyo inay noo dhisaan madaar.β Ayuu yidhi wasiir Sacad
Sidoo kale wasiirku waxa uu tilmaamay in dekedda Berbera lagu kireeyay lacag dhan $ 5 Malyan, balse ay xukuumaddii hore ee Siilaanyo sii qaadatay lacagtaasi, sidaas darteedna aanay ku jirin miisaaniyada sanadkan.
βSanad walba dekedda waxaynu ka qaadanaa kiro $ 5 Milyan ah, sanadkan kuma jirto oo hore ayaynu u qaadanay.β Ayuu yidhi
Geesta kale, wasiirku waxa uu ka gaabsaday inuu sheego deynta lagu leeyahay xukuumadda, oo la weydiiyay. βRuntii caawa kuuma sheegi karo deyn intaas baa lagu leeyahay dawladda, laakiin dhawr bilood ka dib haddaad ku soo celiso suβaashaas, markaas baan sheegi doonaa.β