Ra’iisul Wasaaraha UK oo ku tilmaamay hanjabaadaha Ruushka kuwo “xad-dhaaf ah oo aan la aqbali karin.”
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Britain, Andy Burnham, oo booqasho ku jooga Kyiv, ayaa ballanqaaday in Britain ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Ukraine, inkastoo uu ku tilmaamay hanjabaadaha Ruushka kuwo “xad-dhaaf ah oo aan la aqbali karin.”
Wuxuu hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay Maalinta Madax-bannaanida Ukraine.
Burnham ayaa sheegay in Britain, iyadoo ay weheliyaan xulafadeeda kale, ay Ukraine ka caawin doonto horumarinta teknoolojiyado cusub, isla markaana ay taageeri doonto dadaallada lagu burburinayo gantaallada Ruushka ka hor inta aan la ridin.
Waxaa la filayaa inuu xaqiijiyo in Britain ay Ukraine siin doonto naqshadaha farsamo ee ay u baahan tahay si ay gudaha dalka ugu soo saarto tiro badan oo ah gantaallada cruise-ka ee riddada dheer.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa isaguna khudbad adag jeediyay, isagoo sheegay in dadka reer Ukraine aysan noqon doonin “ dhagaxaanta lagu dul socdo.




