Dowladda Federaalka iyo Maraykanka oo ammaanay natiijada dagaalka al-Shabaab

Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in wejiga labaad ee hawlgallada milatari looga dan leeyahay in al-Shabaab waddanka laga saaro, waxay dawladdu sheegtay inaysan hawlgalladu istaagayn ilaa buqcad kasta laga saaro al-Shabaab.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale ayaa VOA u sheegay in dadka iyo dawladda Soomaaliyeed ay suurtogeliyeen guulaha ay ciidanku ku gaareen muddo kooban.

Waxa uu sheegay in al-Shabaab ay la dagaallamayaan dhalinyaro askar ah oo Soomaaliyeed oo si wanaagsan u tababaran, dagaalkana yaqaan.

“Waxay Al-Shabaab ka xoreeyeen in ka badan 500KM, welina way ku daba jiraan,” ayuu yiri Kamaal Daahuir Xasan Guutaale.

Dawladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan sheegtay in wejigii hore ee gulufka ka dhanka ahaa al-Shabaab lagu dilay in ka badan 3 kun oo ah mintiidiinta ururkaas, laguna dhaawacay 3700 lakale.

Dawladda ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in al-Shabaab laga qabsaday 70 degaan, tuulo iyo magaalo.

Dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku sheegtay in war saxaafadeedkaas in dalku kusii siqayo wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah maleeshiyaadkaas.

Safiirka Soomaaliya Larry Andre ayaa qoraal uu usoo diray VOA ku yiri sidan: “Hawlgallada ay Soomaalidu hoggaaminayeen waxay madaxbannaanidii Soomaaliya kusoo celiyeen saddex meelood-meel dhulkii ay sida xun u maamulayeen al-Shabaab. Soo af-jaridda caburiska Al-Shabaab waa tallaabo kale oo horey loogu qaaday dib usoo noolaynta buuxda ee Soomaaliya.”

Dhinaca kalena Af-hayeenka ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in gulufkii koowaad ee dawladda Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadka degaanka ku qaaday ururka uu “fashilmay,” sida uu hafdalka u dhigay.

Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu siiyey idaacad taageerta ururka al-Shabaab oo lagu magacaabo Al-Furqaan.

La-taliyaha amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Guutaale ayaa sheegay in dhammana waddamada safka hore ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ay oggolaansho ka Qaramada Midoobay inay ka qaybqaataan hawlgallada lagu soo cleinayo nabadda Soomaaliya, ayna dawlada ka caawinayaan sidii looga guulaysan lahaa loogana soo af-jari lahaa Al-Shabaab dhammana geyiga Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker