Wasiirka Maaliyadda JSL Oo La Kulmay Guddida Dhaqalaaha Ee Golaha Wakiillada.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ee Somaliland DrSacad Cali Shire ayaa la kulmay maanta guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland, oo ay ka wada hadleen arrimaha maaliyadda iyo cashuur bixinta dalka.

Wasiirka oo markii kulankoodaasi uu soo dhammaaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay lagaga wada hadlay kulankaasi arrimo ay ka mid ahaayeen sidii ay wada shaqayn buuxda u wada yeelan lahaayeen mas’uulyiinta wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiillada ee Somaliland, waxaana uu intaas ku daray wasiirku in sidoo kale ay ka wada hadleen guddida dhaqaalaha arrimaha maaliyadda iyo cashuur bixinta ee dalka.

Gebogebadii, wasiirku waxa uu u mahadceliyay guddida dhaqalaaha ee golaha wakiillada oo uu sheegay inay si fiican u qaabileen wasaarad ahaan, isagoo intaas raaciyay in si buuxda ay u wada shaqayn doonaan guddidaas iyo wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker