Waxaan U Codaynayaa Joe Biden, Trump Wuu Garab Maray Dastuurka,, Xoghayihii hore ee Gaashaandhiga Maraykanak Colin Powell

Xoghayihii hore ee Arrimaha Debedda Mareykanka ee Maamulkii Barack Obama  Colin Powell ayaa si adag u cabmaareeyey sida uu madaxweyne Donald Trump uu u maareeyey mudaharaadyada cunsuriyadda looga soo horjeedo, isaga oo sheegay inuu dastuurka Mareykanka uu aad uga fogaaday.

 

 

Sarkaalkan hore oo ka tirsanaa Xisbiga Jamhuuriga, ayaa ka mid noqday saraakiisha hore ee dhaleeceysay sida uu Trump jawaab uga bixiyey mudaharaadyada oo ay ka mid ah ciidanka uu sheegay inuu adeegsanayo.

 

 

Wuxuuna Mr Powell sheegay doorashada dhaceyso bisha November inuu codkiisa siin doono musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden.

 

 

Madaxweyne Trump oo hadalka Mr Powell ka jawaabay wuxuu ku tilmaamay “mid xad dhaaf ah”.

Mr Powell, oo ah ninka keli oo Madow oo soo noqday taliyaha madaxa taliska sare ee ciidamada Mareykanka, ayaa ku soo biiray saraakiisha milatari ee weerartay mowqifka madaxweyne Trump.

 

 

Hadalka Powell ayaa imanaya xilli ay ku dhawaad laba usbuuc ay mudaharaadyo ballaadhan ka socdaan dalka Mareykanka, mudaharaadyadaasi oo ka dhashay dilkii ay booliska George Floyd ugu geysteen Minneapolis 25-kii May.

 

 

Axaddii shalay ahayd sagaal ka mid ah 13 xubnood ee golaha magaalada Minneapolis ayaa boqollaal mudaharaadayaal ah hortood ku ballan qaaday iney qaadayaan tallaabbooyin booliska la xiriira oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka bulshada.

 

 

Dhinaca kale, tallaabbooyin arrimaha amniga lagu khafiifinayo ayaa Mareykanka oo dhan laga qaaday, magaalada New York ayaa soo gabagabeysay bandowgi muddo toddobaad ah saarnaa, halka Mr Trump uu sheegay inuu ku amrayo ciidamada ilaalada qaranka inay billaabaan iney ka baxaan magaalada Washington DC.

 

 

Mr Powell oo Axaddii CNN la hadlay ayaa sheegay: “Dastuur ayaan leennahay. Marka waa inaan dastuurkaasi raacnaa. Balse madaxweynaha dastuurka ayuu baal maray.”

 

 

Jeneraalkan howlgabka ayaa Trump ku tilmaamay: “Inuu arrimaha been ka sheego, uuna ku si fogaadaa sababta oo ah shacabka isaga lama xisaabtamaan.”

 

 

Mr Powell wuxuu sida oo kale sheegay hadallada qallafsan ee madaxweynaha iney khatar gelinayaan dimuqraadidda dalka Mareykanka, isaga oo sheegay inuusan doorashadan soo socota uu Trump taageeri doonin.

 

 

Wuxuuna intaa ku daray: “Aniga iyo Joe Biden aad ayaan isugu dhownahay, arrima bulsho iyo arrima siyaasadeed awgood. 35-40 sana ayaan la soo shaqeeyey. Hadana waa musharrax marka isaga ayaan u codeynayaa.”

 

 

Mr Powell oo lagu tiriyo siyaasiyiinta xisbiga jamhuuriga ayaa doorashadi 2016-ka codkiisa siinin Mr Trump.

 

 

Wasiirki hore ee gaashnaadhigga Mareykanka james Mattis wuxuu toddobaadkii hore sheegay Mr Trump si ula kac ah inuu shacabka Mareykanka u kala qaybinyo oo uuna sheegay “inuu aad uga carooday ugana argagaxay” Trump sida uu u maareeyey mudaharaadyada dalka Mareykanka ka socda.

 

 

Madaxweyne Trump bartiisa Twitter-ka wuxuu ku soo qoray Mr Powell inuu yahay “nin adag oo mas’uul ka ahaa dagaalki masiibada ahaa ee bariga dhexe”, dagaalki khaliijka ee dhacay inta u dhaxeysay 1990-1993 iyo dagaalkii Ciraaq uu Mareykanka hoggaaminayey oo dhacay 2003-dii.

 

 

Donald J. Trump

@realDonaldTrump

Colin Powell, a real stiff who was very responsible for getting us into the disastrous Middle East Wars, just announced he will be voting for another stiff, Sleepy Joe Biden. Didn’t Powell say that Iraq had “weapons of mass destruction?” They didn’t, but off we went to WAR!

Colin Powell, a real stiff who was very responsible for getting us into the disastrous Middle East Wars, just announced he will be voting for another stiff, Sleepy Joe Biden. Didn’t Powell say that Iraq had “weapons of mass destruction?” They didn’t, but off we went to WAR!

Mr Biden wuxuu boggiisa Twitterka uu ku qoray hadal uu ku durayey oo ku aaddan sida uu Trump uu u maareeyey mudaharaadyada wuxuuna sheegay “hadallada madaxweynaha uu caadeystay iney yihiin kuwa rabshado abuuraya, islamarkaasina sii hurinaya neceybka iyo kala qaybsanaanta bulshada oo sii fogaato”.

Wasiirki hore ee arrimaha dibadda Condoleeza Rice waxay CBS News u sheegtay iney dooneyso madaxweyne Trump “inuu hakiyo qoraalladiisa Twiitter-ka uu wadahadal toos ah uu la yeesho shacabka Mareykanka.”

“Ma aha inuu qofwalba uu madaxweynaha waafaqsanaado, madaxweynahan ama ku kale, laakiin waa inaad la hadashaa qofkasta oo Mareykan ah, ma aha oo keli ah inaad la hadasho kuwa ku ayidsan” ayey tidhi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker