Suldaanka Guud ee Somaliland Oo Raalli gelin ka bixiyey munaasibad uu ka qayb galay
“Waxaan guud ahaan shacbigga Somaliland ka raali-galinayaa munaasibad Xalay oo lagaga hadlayay arimo siyaasadeed” Suldaan Daa’uud Suldan Maxamed
Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa raalli gelin ka bixiyey munaasibad uu xalay ka qayb galay oo lagaga dhawaaqayey Urur-siyaasaddeed.
Suldaanka, ayaa sheegay inuu Suldaan u yahay Mucaarid iyo Muxaafidba, cidkasta oo dhibsatay Munaasibaddaasi uu tegayna uu ka raalli gelinayo, waxaany yidhi Suldaanku “Waxaan guud ahaan shacbigga Somaliland ka raali-galinayaa munaasibad Xalay oo lagaga hadlayay arimo siyaasadeed.
Anigu ma ihi nin siyaasad gala, waxaan ahay Suldaankii guud ee Somaliland, munaasibada Xallay-na uma teggin Siyaasad ee waxaan u teggay duco cid kaste oo dhib satay-na waan ka raali-galinayaa.
Mucaarid iyo muxaafid labbada-ba Suldaan ayaan u ahay waxaanan ugu baaqayaa in ay miiska wada hadalka arintooda ku dhamaystaan.”
Wabilaahi tawfiiq.




