Qodobo Kasoo Baxay Kulan Ay Yeesheen Guddida Dhaqaalaha ee golaha wakiillada JSL iyo Guddoomiyaha Caymiska
Kulankii ay yeesheen guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada iyo Guddoomiyaha caymiska qaranka , hadaba Qodobada ay labada dhinacba isla qaateen ee kulanka ka soo baxay waxaa ka mid ah:
In ay labada dhinacba ayideen (Aqbaleen) go,aankii maxkamada sare jsl.
In kulanka ay maanta iskugu yimaadeen uu hordhac u yahay kulamo is daba socda oo ay gudigu la yeelanayso madaxda caymiska qaranka.
In labada dhinacba ay cabashada ganacsatada hoos u eegaan oo ay ku dhameeyaan wax la isla ogol yahay.
In gudi-hoosaadka dhaqaaluhu ay qaraar ka soo saari doonaan kulanka maanta ay la yeesheen gudoomiyaha caymiska qaranka.




