Somaliland Oo Qorshe Cusub La Damacsan Siyaasiyiinta Reer Somaliland Ee Xilalka Ka Doonta Xamar.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in la qorsheynayo in xeer laga soo saaro Siyaasiyiinta reer Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha UCID Waxa uu sheegay in xeerkaasi uu ciqaab u noqonayo Siyaasiyiinta sheegta in Somaliland ay metelaan ee ku jira hay’addaha dowladda Soomaaliya iyo Siyaasadeedaba, sida uu sheegay.

“Xeer in la soo saaro ayaan doonaynaa, xeer dadka halkaa tagay ee magaceena ku shaqaysanaya ee xumaanteena korkooda lagu sameynayo, xeerkii ciqaabeed ee la mar siin lahaa ha la soo saaro, haddii kale in aan la ogol-nahay ayaa la moodayaa,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga Mcaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe Sidoo kale waxa uu naqdiyay hadal kasoo yeedhay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isagu soo dhaweeyay heshiiskii Siyaasiyiinta Somaliland ee kuraasta gobolada Waqooyi, kadib muddo uu khilaaf ka taagnaa.

Guddoomiye Faysal Cali ayaa waxa kale oo uu sheegay in dib u habeyn ballaadhan lagu sameeyo halgankii Somaliland, ee ictiraaf raadinta iyo iska dhicinta Xamar, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyntiina waxa uu bogaadiyey war uu sheegay in uu helay oo sheegaya in madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi aanu raadineyn muddo xileedkiisa marka uu dhamaado muddo xileedkiisa rasmiga ahi, halka madaxdii hore ay sameysan jireen kordhis billaa sharci ah sida uu hadalka u dhigay waxaanu shacabka Somaliland iyo axsaabta qaranka ugu baaqay in ay dardar galiyaan diyaar garawga doorashada Madaxtooyada oo ku beegan sannadka dambe dabayaaqadiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker