Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Guddiga Hoggaaminta Siyaasadda Caymiska Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-715/092021 ku Magacaabay Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;
Markaan Arkay: Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka, Xeer Lr. 92/2020, Qodobkiisa 9aad;
Markaan Arkay: Muhiimadda Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranku u Leedahay Dhismaha Hay’adda Caymiska;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
1. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire – Guddoomiye.
2. Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdillaahi Daahir – Xubin.
3. Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Saleebaan Cawad Cali Bukhaari – Xubin.
4. Ururka Qareennada Somaliland Abuubakar Sh. Maxamud Cabdi – Xubin.
5. Dalladda Shirkadaha Caymiska Maxamuud Nuur Ducaale – Xubin.
6. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim – Xubin.
7. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdiraxmaan Maxamed Cali – Xubin
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker