Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo soo jeediyey Hirgelinta Sharci lagu Ciqaabo Dadka Qaranimada ka hor-yimaadda

Hargeysa (OWN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay, in loo baahan yahay in sharci ciqaabeed laga soo saaro dadka taga magaalada Muqdisho, ee kasoo horjeesta qadiyada Somaliland.

Guddoomiye Faysal oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Waxaynu wax ku noqon karnaa inagoo is jeclaana, oo qalbi fiican wada yeelana, qalbigeena hadaynu midayno, tayadeena hadaynu midayno wala wayn iyo qayr koodba inagamay adkaadeen, hada inagii ayaa layna isticmaalayaa, waxan jecelahay in aynu xeer soo saarno lagu ciqaabayo dadka khaayimiinta ah ee dalka ka taga ee magaceena sheeganaya, barmadow ayay inagu tahay arrintaasi”

Faysal ayaa sheegay in loo bahan yahay in xukuumaddu abuurto xeerarka oo aanay ka sugin golayaasha baarlamaanka, isagoo sheegay in xeerar laga soo saaro arrimo ay ka midyihiin qabiil nacaybka iyo sumcad dilka.”Dowladu waa in ay xeerarka abuurta baarlamaanku wuu ka eegaa, waxan jecelahay xeerar badan in la sameeyo, kuwa amaanka la sameeyaa, magac dilka la sameeyaa, qabiil nacaybka waa in sharciyo laga sameeyaa, dadkii waynu qabanayna sharci aynu ku qabanaynaana majiro” ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ka qayb galay xaflada qalinjabinta dufcadii 19aad ee ka baxda Jaamacadda Hargaysa, oo tiradoodu dhantahay 1,157 arday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker