Wasiirka Arimaha Debeda Jabuuti oo ka Jawaabay Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Farmaajo

Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibout Maxamuud Cali Yuusuf oo in yar ka hor farriin twitter ah soo diray ayaa yisheegay  “Dhammaan rakaabkii saarnaa dayuuraddii Turkish Airways ee maanta ee Muqdisho u socotay ay ku noqon doonto Istambul si ay u raacaan duullimaad kale oo Muqdisho u socda.”

Fariinta wasiirka ayaa timid in yar uun ka dib markii Xoghayaha Guud ee xisbiga RPP, ahan Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Djibouti Ilyas M. Dawaleh uu bartiisa twitter kaga jawaabay eedda ka timid afhayeenka madaxtooyada Somalia.

“Maaddaama aad tahay sarkaal sare oo ka tiran Villa Somalia iyo Isu duwaha warbaahinta, waxaan si walaaltinimo leh kaaga codsanayaa inaad ka joogsatid haddallada aan habbooneyn ee aan salka lahayn. Waxaa kuu wanaagsan inaad xaqiiqada raadisid. Djibouti waxay dhawaan soo saari doontaa hadal rasmi ah oo ka soo baxa Wasiirka Arrimaha Dibadda.” ayaa lagu yidhi fariinta wasiir Dawaleh.

Goor hore oo maanta aha ayaa Af-hayeen u hadlay madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa arrintaas u tilmaamay mid aan sharci ahayn oo aan sii xoojinayn xiriirka labada dawladood. Waxa u sheegya in dawladda Soomaaliya ay ka xuntahay falka ku xadgudubka ah ee xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah, sida uu hadalka u dhigay.

War saxaafadeed kasoo baxay Af-hayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawlada Jabuuti ay Fahad Yaasiin ku xannibtay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker