Saaxiibbada Beesha Caalamka oo ka hadashay Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya

Muqdisho (OWN)- Saaxiibbada Beesha Caalamka ee taageera ammaanka iyo dowladimada Soomaaliya, ayaa maanta si wada-jira ah u soo saaray war-murtiyeed dhiillo xambaarsan oo ku aaddan khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha dalkaas.

Waxa war-murtiyeed lagu sheegay in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal-wasaare Rooble uu dhaawac u geysanayo geeddi-socodka nabadda iyo qabsoomidda doorashooyinka maadaama ay muddo sannad ah ka soo wareegtay heshiis 17 September2020 ay kala saxeexdeen Dowladda Farmaajo iyo maamul-goboleedyada Soomaaliya.

Beesha Caalamku waxa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare inay sida ugu dhakhsaha badan xal uga gaadhaan khilaafkooda siyaasadeed isla markaana ay joojiyaan digreetooyinka awoodeed ee xafiisyadooda ka soo baxaya.

Beesha Caalamku waxa ay sheegeen in shacabka Soomaaliyeed baahi-weyn u qabo dowladnimo loo dhan yahay oo shaqaynaysa. “Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo mudan yihiin Dowlad wax -ku -ool ah oo loo dhan yahay. Kala qaybsanaanta jirta waxay sababaysaa inay wiiqanto horumarka muhiimka ah ee la sameeyay,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

OWN News Desk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker