Dowlada Iran Oo Ogolaatay In Kamarado Lagu Xidho Warshadeheega Nukliyeerka

Wakaaladda Quwadda Nukliyeerka Qaramada Midoobay ee IAEA iyo Iran ayaa gaadhay heshiis ay Iran ku Aqbashay in si toos ah loo kor joogteeyo warshadaheeda nukliyeerka.

Heshiiskaa oo lagu gaadhay Tehran ayaa ogolaanaya in hay’addu wershadaha dalkaas ku xidho kamaradu lagula socdo hawlaha warshadahaas.

Arintan oo ay hore ugu heshiisyeen Iran iyo quwadaha waaweyn ee dunidu sannadkii 2015 ayay  Iran joojisay ka dib markii Maraykanku heshiiskaa ka baxay ,markii uu talada hayey Donald Trump ee uu sidoo kale ku soo celiyey cunoqabatayntii ahayd in laga qaado.

Is waydiintu haatan waxay tahay, maxay Iran haatan u aqbashay in dib loogu rakibo kamaradahaa wershadaheeda.

Dr Axmed-tiir Sheekh Maxamed oo ka faalooda arimaha dunida Islaamka ayaan kala sheekaystay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker