Guddoomiyihii Xisbiga WADDANI Ee Gobolka SOOL Oo Lagu Dilay Magaaladda Laascaanood

Ha U Naxariistee Waxa Mar Dhowayd Guddaha Magaaladda Laascaanood Ee Xaruunta Gobolka Sool Lagu dilay Guddoomiyihii Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi [Cardoofe] oo ay gacan ka xaqdarani ku dishay.

Dilka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Sool, Ayaa Waxa xaqiijiyey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Oo Dhambaal Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Marxuumka. Iyadoo Aan la aqoonsan Cidda ka Dambaysay dilkiisa.

Guddoomiye Cirro, Ayaa Dhambaalka tacsidda ah Ee Uu u Diray Marxuumka  oo u dhignaa  Siddan:- “INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Waxa aan tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaa dhammaan ehelada, qaraabada, asxaabta, waayeelka, waxgaradka Gobolka SOOL iyo Xisbiga WADDANI-ba geerida naxdinta ee caawa ku timid Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi [Cardoofe] oo gacan ka xaqdarani ku dishay Magaalada Laasacaanood.

Marxuumku waxa uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka SOOL & xubin Golaha Deegaanka Deg Laasacaanod, Ilaahay ha u naxariisto Marxuumka, Jannadiisana ha geeyo, Xukuumaddana waxaa waajib ku ah in dableyda dishay Marxuumka degdeg caddaalada loo hor keeno. Samir iyo iimaan”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker