Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Oo Ka Degay Magaalada Khartoum Ee Dalka Sudan

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa maanta gaadhay magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan, si uu u dhex-dhaxaadiyo madaxda militariga dalkaas xukuma iyo hogaamiyayaasha dibad-baxayaasha.

 

Abiy ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Khartoum wuxuuna kulamo la leeyahay Jeneraalada xukunka haya, Ra’iisul wasaraaha Itoobiya ayaa la filayaa in goor dambe oo maanta ah uu sidoo kale la kulmo xubnaha hoggaaminaya banaan-baxayaasha.

 

“Waxaan casuumad ka helnay safaaradda Itoobiya si aan halkaas ugula kulano ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, waana tagi doonnaa” Waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha dibad-baxayaasha Omar al-Digeir oo la hadlay wakaaladda wararka AFP.

 

Haddaba booqashada Abiy Ahmed maxey uga dhigan tahay mushkiladda ka oogan Sudan. Su’aalahaa iyo kuwo kale ayaa Nuur Xassan Nuur uu weydiiyay Professeor Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faalooda arrimaha Africa.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker