Booliska New Zealand Oo Dilay Nin Ay Sheegeen Inuu Ka Tirsan Ururka Daacish

Ra’isul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa xaqiijisay in boolisku ay dileen nin ay ku sheegtay inuu ahaa argagixiso ka tirsan ururka Daacish, kaas oo toorey ku weeraray dad ka adeeganaya dukaan ku yaal magaalada Auckland, kaddibna dhaawac u geystay lix qof.

Saddex ka mid ah dadkan ayaa dhaawacyadooda lagu sheegay kuwa halis ah.

Ra’isul Wasaare Ardern ayaa sheegtay in dhacdadan ay ahayd weerar argagixiso, iyadoo sheegtay in ninkani uu ahaa muwaadin u dhashay Sri Lanka oo ay dhiirigalisay kooxda Daacish, isla markaana ay aad u la socdeen dhaq-dhaqaaqiisa laamaha amniga.

Ardern, ayaa sidoo kale sheegtay in shaqsiyan iyada hore warbixin looga siiyay ninkan, laakiin aysan jirin sifo sharci oo lagu xidho.

Weerarkan ayaa ka dhacay dukaanka Countdown ee magaalada caasimada ah abbaare 2:40 duhurnimo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker