Xukuumadda Somaliland Oo ka Hadashay Inay Qaabilayso Qaxooti Afghanistan ah
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta qaar iyo baraha bulshada lagu baahinayay war sheegayay in dowlada Mareykanka ka dalbatay dawlada Somaliland in si KMG ah u qaabilaan qaxooti laga soo daad gureeyay dalka Afganistan.
Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleemaan Cali Koorre ayaa ka hadlay warkan la baahiyay ee ku aadanaa in dowlada Mareykanka maamulkooda ka dalbatay in ay qaabilaan qaxooti Afganistan laga soo qaaday.
Waxa uu sheegay Wasiirka in warkan la faafiyay kaliya ka maqleen warbaahinta uuna yahay mid waxbo kama jiraan ah, waxa uuna cadeeyay in hadii Mareykanka kasoo dalbado arintan iyagu u madax banaan yihiin go’aankooda.
”Wararkaa lagala hadlayo qaxooti reer Afganistan oo imanaya Somaliland wali si cad uma heyno, ilaa hada war ah in xukuumada Somaliland qaabileyso qaxooti Afganistan ah ma heyno, ma jirto codsi aan Mareykanka u dirnay oo ku aadan in Qaxootiga qaabilno ma jirto” ayuu yidhi Wasiir Saleemaan Koorre.
Warkan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan dalka Uganda laga soo dejiyay qaxooti reer Afganistan ah oo Mareykanka kasoo daabulay dalka AFganistan kadib markii ay la wareegeen kooxda Taalibaan.




