Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa  Muqdisho ku qaabilay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Madaxa Hawl-galka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Kulankan booqasho sharafeedka ahaa, ayaa Wasiirka iyo Wakiilka Qaramada Midoobey waxaa ay sidoo kale kaga wada hadleen doorka Qaramada Midoobey ee ka jawaabidda baaqii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddanaa u gurmashada shacabka ay dhibaatooyinku ka soo gaareen abaaraha baahsan ee ku dhuftay Dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker