War-Deg Deg Ah:- Shirkii Xisbiyada Somaliland Oo Lagu Kala Kacay Iyo Xisbiga Waddani Oo Eedeymo Culus U Jeediyey Kulmiye.

Hargaysa-(OWN)-Kulan ay saaka markale ku kulmeen xisbiyada Qaranka Somaliland oo ay kala Hogaaminayeen  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland , Gudoomiyaha xisbiga Waddani  iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa lagu kala kacay  isla markaana aaney ka soo bixin wax natiijo ah.

Xisbiga Waddani oo ugu horeyn warbaahinta la hadley waxaa uu sheegay in shirkaasi aaney wax natiijo ahi ka soo bixin isla  markaana xisbiga Kulmiye aanu la imanin wax tanaasul ah , oo uu miiska soo saarey in kominshanka laba xubnood lagu daro marka doorashadan soo socota la qabto , taas oo Waddani sheegay in aanu marnaba aqbali doonin.

Gudoomiyaha xisbiga UCID oo isna warbaahinta la Hadley waxaa uu sheegay  in xisbigoodu uu doonaayo in doorasho dhacdo 2019 , waxaana uu eedeymo u jeediyey xisbiga Waddani oo uu ku sifeeyey mid aan danta Somaliland wadin waa sida uu hadalka u dhigaye. Faah-faahinta Goordhaw Kala Soco Oodweyne/News.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker