Xagee La filayaa in dufaanta ONE Ku dhufato-Somaliland

Afeef:

Waa Sadaal Hawo Maaha Wax 100% La Hubo Waa Qiyaas Marka La Adeegsado Jihadda Dabayisha, Heer kulka, Xaraaradda Badda Iyo Dhulka U Dhow Siduu U Saamayn Karo Waxa Kasoo Baxa Ayaa la Yidhaa Sadaasha Hawadda.

 

Sida Laga So Xiganaayo Saadaaliyaasha Hawada Aya Waxay Sheegayaan In Dufaanta Loo Bixiyey One Ee Ka Unkantey Badwaynta Hindiya Ay Haatan Ku Beeggan Tahay xeebaha Koofureed Ee Yemen Iyada Oo Ku Socota Xawaare Aan Aad u Badnayn Lakin Waxa Dhici Karta In Xawaaruhu Sarre U Kici Karo ila Darrajadda 4 Imika Se Ay Tahay 2.

 

Hadaba Halkay kaga beegan tahay Somaliland ?

 

Malinta jimcaha ah oo ku beegan 2 ramadaan ayaa laga dareemayaa meelo badan oo Smaliland ka mid ah siiba xaga xeebaha Bari Maydh iyo Xiis halkaas oo ay ku beegan tahay faraca ugu danbeeya wareega dufaanta waana meesha Somaliland ugu waqooyisan, lakin muddo yar ka dib ayaa si xawli ah kusoo gelidoonta xeebaha saaxil ilaa awdal waxaana la dareemidoona daruuro, qabow iyo roobab badan.

Dufaantan One ayaa xoogeedu ku dul baa`bidoonaa marinka Babul Mandab Khaasatan  Zaylac ila Jabouti oo noqondoonta meesha ugu badan ee ay saamayso dufaantu

Dadka degen xaga xeebaha min maydh ilaa Zaylac ayaa looga baahan yahay in ay ka taxadiraan roobabka iyo dabayisha ay wadato, magaalooyinka waa weyn sida Hargeisa, Burco iyo Boramar roobab badan iyo qabow yar mooye wax kale oo badan oo saamayn ah kuma yeelanayso marka laga reebo Berbera oo laga yaaba in ay samayn ku yeelato.

Magaladda Berbera marka la qiyaasayo dufaantan way ka la’laysaa, lakin marnaba kama foga xooga dufaantu Berbera waxa dhici karta in ay jihada bedesho dufaantan One.

 

Roobab Badan Oo Mahiigaan ah ayaa ku beegan Koonfurta Hargeisa ila koofunta Magaaladda Burco taas aay keentey farac ama wareeg kasoo go’ay dufaantan oo biyo badan dhigidoona dhulka hawdka ah Insha ALLAH

 

 

RAMADAN KARIIM

BY. KHALED

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker