Mareykanka oo hoggaamiyaha Tanzania kala hadlayo mowqifkeeda ku aadan dagaalka Ukraine

Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris ayaa safarkii ugu horeeyay ee ay ku mareyso qaarada Afrika waxa ay ku tagtay dalka Tanzania.

Waxay la kulmi doontaa Madaxweyne Samia Suluhu oo la filayo inay kala hadli doonto arrinta ku saabsan in Tansaaniya aysan Mareykanka ku raacsanayn dagaalka Ukraine.

Maraykanku waxa uu aad u danaynayay in uu helo wadamo badan oo cambaareeya duulaanka Ruushka.

Weriyeyaasha ayaa sheegay in socdaalka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka uu ku soo beegmay xilli uu sii kordhayo tartanka loogu jiro saameynta Afrika ee quwadaha caalamka sida Shiinaha iyo Ruushka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker