Buug Laga Qoray Taariikhdii Faneed Ee Abwaan Xasan Qawdhan oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay.

Waxaa magaalada Hargeysa xalay lagu soo bandhigay Buug laga qoray Nolosha mid ka mida Abwaanadii ugu Waa-weynaa Fanka Soomaalida.

Buugan oo la yidhaa Joogaha-maqan, ayaa laga qoray noloshii iyo Taariikhdii Faneed ee Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf oo ahaa Abwaan lifay qaar ka mida heesaha iyo riwaayadaha ugu caansan fanka Soomaalida.

Waxaa Buugan Joogaha-maqan ee laga qoray Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf, ayaa waxaa qoray qoraa dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Axmed Karaama.

Buugan Joogaha-maqan, ayaa waxaa lagu ururiyay dhaxalkii faneed ee uu Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf ifka kaga tagay iyo noloshiisii, iyada oo lagu sugay taariikhda iyo sooyaalka ay leedahay murtida Abwaan Xasan Qawdhan.

Xafladda bandhigan buuga Joogaha-maqan oo ka dhacday hoteelka Maansoor ee Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland, Hoggaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka, bahda suugaanlayda, Halbuur qaybihiisa kala duwan.

Heesaha ugu caansan ee uu Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf alifay waxa kamida, heesta Miidaamo oo uu qaado Axmed Mooge Liibaan, Riyo oo uu qaado Maxamed Saleebaan, Qalam-jalam oo uu qaado Muuse Ismaaciil Qalinle, Hoombaro oo ay wada qaadan Bashiir Xadi iyo Hubo Nuura, Waxan tagay shabcantii oo uu qaado Maxammed Mooge iyo heeso kale oo badan.

Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf, ayaa Riwaayadaha uu alifay waxa ugu caansan, Anaga oo waalan waagu noo bari, Yaan la waalin jacaylka iyo Wakhtigu nina waal nina waani oo ahayd riwaayadii ugu horaysay ee madaxwaynihii dowladii Kacaanka Maxammed Siyaad Barre ka qayb galo daawashadeeda sanadkii 1973.

Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf waxa uu ku dhashay maagalada Hargaysa sanadkii 1944, fankiisa waxa uu ka bilaabay magaalada Muqdisho dhamaadkii 1969, kadib muddo dheer oo uu bahda sugaanlayda ka tirsana waxa uu ku xijaabtay waddanka Sweden 19, April, 2017 isagoo 73 sano jir ah.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker